Waxa uu saaxiibkey aaminsan yahay inuu tallaalka covid jirada ka khatar badan yahay. Maxaan sameeyaa?

Waxa la dareemi kartaa caro iyo niyadjab marka uu qof kugu dhow (tusaale ahaan qofaad saaxiib tihiin) ay ka dhaadhacsan tahay/rumeysan yahay waxaad adigu ogtahay inuu khaldan yahay.

Marka hadalka kutiri ku teenta ah iyo khalad wax u fahanku ay dhacaan ayay adkaan kartaa in laga xoroobo.  Waxay qeyb ka mid ah dhibaatooyinku yihiin in waxa qofka ka dhaadhacsan ay ku salaysan yihiin dareen iyo si wax u qiimeyn ee aanay aheyn xaqiiqooyinka.

 

Badiyaa warbixinaha/hadalada ka yimaada saaxiibada iyo xubnaha qoyska ayaa ka miisaan weyn waxay khubarada iyo mas’uuliyiintu leeyihiin. Sidaa darteed ayaa wadahadalka aad adigu la sameysaa uu wax weyn ka bedeli karaa.

 

Halkan waxa la socda toban talooyin oo ku saabsan sida loogu fikir karo wadahadalka lala sameynaayo qof ka shakisan tallaalka. Waxa lagu soo koobi karaa afar tallaabo:

  • Dooro goobta saxda ah iyo codka
  • Raadi is afgarad
  • Si fudud oo qaabeysan u sharax
  • Sabir lahow

10 talooyin si looga wadahadlo wax khalad u fahmid

Dooro xaalad ku haboon

Arinta soo qaad markaad adiga iyo saaxiibkaa kali tihiin, iyo xaalad uu ammaan dareemaanyo. Haddii aad arinka soo qaado markay dadka kale idinla joogaan ayay taasi saaxiibkaa ka dhigi kartaa inuu cadaadis dareemo oo uu aragtidiisa difaaco.

Noqo mid waxqabad oo ixtiraam leh

Waxaad fursad ka weyn inuu saaxiibkaa ku dhegeysto aad helaysaa haddii aad tahay qof dhago nugul oo ixtiraamaaya waxa isaga ka dhaadhacsan.

Waxaad isku raacsan tihiin hel

Khuraafaadka iyo fikradaha khaldan badankooda waxa ku jira qaybo sax ah.

 

Haddii uu saaxiibkey ku andacoonayo in fayruska covid biraha telefoonka lagu faafiyo, ayaa laga yaabee inaad weli isku raaci kartaan sida ay jiradu khatarta u tahay? Isku day inaad hesho tiirar caynkaas ah oo aad wax ka bilaabi kartaan.

Weydii su’aalo aad inaad wax ogaato ku raadineyso

Tus inaad si dhab ah ugu xiiseynayso aragtida saaxiibkaa.

 

Markaas ayaad ogaan kartaa waxa ka dambeeya waxa ka dhaadhacsan iyadoo lagana yaabo inuu isagu noqdo mid xiiseeya inuu sidaad wax u aragto wax ka ogaado.

Runta wadajir u wada raadiya

Iskuday inaad abuurto dareenka ah inaad labadiinuba runta wada raadineysaan.

Markaas aad isku dhican ka joogtaan, halkii ay ka ahaan lahayd dood ay tahay in midna guulaysto midna laga guuleysto.

Ka shidaal qaado ilo uu qofku ku kalsoon yahay

 Waxaad doodiina ka bilaabi kartaa naftaada ama ilo kale oo uu saaxiibkaa ku kalsoon yahay.

Haddii uu tusaale ahaan shaki ka qabo shirkadaha dawooyinka ama hay’adaha dawlada, ayaanay wax fiican aheyn inaadan khuburo ahaan kuwaas u tixraacdo.

Sababta sharax

Waxa fiican inaad isticmaasho siday u kala horeeyaan Xaqiiq-Khuraafaad-Sharaxaad-Xaqiiq markaad wax qalad u fahanka inaadeerkaa la soo qaadeyso.Taasi waa hab la xaqiijiyay oo lagu wajaho khuraafaadka.

 

Kuma filna uun inaad u sharaxdo waxa saxsan; waa inaad sidoo kale u sharaxdaa sababta ay sidaas u tahay (hoos fiiri).

XOGTA 
Si kooban oo fudud waxa runta ah u sheeg.

KHURAAFAADKA

Waxaad ku dhahdaa inaad dhawaan khuraafaadka xusi doonto markaasna taas hal mar uu soo qaad/xus.

SHARAXAADA

Sharax sida khuraafaadku uu ku soo baxay iyo sababta uu ugu fidday, sida lagu ogaan karo inaanay run ahayn iyo sababta ay runtu u saxsan tahay.

XOGTA

Ku celi waxa saxda ah hal mar oo kale.

XOGTA

Si kooban oo fudud waxa runta ah u sheeg.

KHURAAFAADKA

Waxaad ku dhahdaa inaad dhawaan khuraafaadka xusi doonto markaasna taas hal mar uu soo qaad/xus.

SHARAXAADA

Sharax sida khuraafaadku uu ku soo baxay iyo sababta uu ugu fidday, sida lagu ogaan karo inaanay run ahayn iyo sababta ay runtu u saxsan tahay.

XOGTA

Ku celi waxa saxda ah hal mar oo kale.

Wax fudud ka dhig

Uga hadal hab aad u aragto inuu inaadeerkaa fahmi karo.

 

Iska ilaali erayada qalafsan iyo fikradaha sayniska, gaar ahaan haddii aanu isagu si fiican u aqoon.

Sabir lahow

Ha ku cadaadin saaxiibkaa inuu maankiisa beddelo. Waxa uu u baahan karaa wakhti iyo barxad uu wadahal/dood ka dib kaga fikiro.

 

Wakhti ayay qaadataa in waxa kaa dhaadhacsan la bedelo, iyadoo aynu dhamaanteen u baahan nahay inaynu dareeno inaynu maareeneyno/kantarooleyno fikradaheena iyo go’aamadeena.

Ku soo celi

Waxa wanaagsan inaad arinta la soo qaado marar badan. Waxay ku soo celcelintu kor u sii qaadaa fursada uu saaxiibku ugu bedelaayo mawqifka.

Maxay khuraafaadka iyo fikradaha khaldan ugu faafaan?

Waxa uu Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) hore ugu sheegay inay socoto infodemi (war xun waafin)  isla wakhtiga uu cudurka aafada ahi socdo. Waxa infodemi-gan ay shaqsiyaadka iyo ururadu ku faafiyaan macluumaad tiro badan oo sax iyo khalad ah oo ku saabsan fayruska Korona iyo tallaalka.

 

Macluumaadka marin habaabinta ah ayaa mararka qaarkood si ula kac ah loogu faafiyaa mararka qaarna si aan ulakac ah iyadoo la aaminsan yahay inuu sax yahay. Waxa uu kaasi asalkiisu ku saleysnaan karaa waxkasta oo laga bilaabo warar hore oo run loo arkaayey xilligaas markaasna la faafiyo, ilaa been cad oo toos ah.

 

Waxa jiri kara dhowr sababood oo wararka ku tidhi ku teenta ah iyo wararka aan sax ahayn ay aad ugu faafaan. Cilmibaaris ayaa tusaale ahaan muujisay in wararka ku tidhi ku teenta ah ay si dhaqso ah ugu faafaan marka uu walaac weyn jiro ama waxa dhacaaya aan la hubin.

GUJI KHURAAFAADKA TALLAALKA SI AAD TALO SIDAAD UGU WAJAHEYSO AH UGU HESHO