Waxyaabaha ku saabsan Prata vaccin (Tallaalka ka hadal)

Tallaalka covid-19 nolol ayuu badbaadiyaa. Laakiin guushu waxay ku xiran tahayinay dadka doortaan in la is tallaalo. Rabitaanka in la is tallaalo ayaa saamayn karta waxyaabo badan oo kala duwan, oo ay shucuurtu ku jirto. Sidaa darteed ayay adkaan kartaa in qof isagu kaa aragti duwan adiga lala hadlo.

 

Prata vaccin waxa loogu talogalay dadka wadahadalakooda maalinlaha ah taageero uga baahan. Waxaan soo bandhignaa talooyin la taaban karo oo caddayn ku salaysan oo sida mawduuca loogu soo dhawaan karo ah oo loogu wajahi karo fikradaha qaldan ee tallaalka ku saabsan.


Prata vaccin waxa soo saaray ururka samofalka ee Vetenskap & Allmänhet, VA. Si loogu hubiyo in waxa ku qoran yihiin qaar khuseeya oo sax ah, ayaanu wadahadal la yeelanay dhowr urur iyo hay’adaha dawlada intii hawsha la jiran, tusaale. Hay’adda Caafimaadka Bulshada, MSB iyo Studieförbunden.


Waxa shaqada waxa suurtogaliyey iyadoo deeq laga helay Wasaaradda Waxbarashada (Utbildningsdepartementet).

 

Miyaad waxa ku qoran faalooyin ka qabtaa?

 

Anaga nala soo xiriir [email protected].

VA (Bulshada iyo Sayniska) waxa weeye urur bulshada rayidka ah oo aan faa’iido doon ahayn oo Iswiidhan ah kaas oo dhiirigeliya wadahadalka iyo furfurnaanta u dhexeysa cilmi baarayaasha iyo dadweynaha, khaasatan dhallinyarta. Waxa uu ururku ka shaqeeyaa sidii loo abuuri lahaa qaabab cusub oo wada hadal ah oo cilmi baarista khuseeya. Waxay VA sidoo kale soo saareysaa aqoon cusub oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya cilmi baarista iyo bulshada iyada oo la adeegsanaayo sahamin iyo daraasado. Waxay xubnaheeda ka kooban yihiin ilaa 90 urur, hay’ado, shirkado iyo jaaliyado. Waxa intaas sii dheer waxay leedahay tiro xubno shaqsiyo ah.

 

Wax dheeraad ah ka sii akhri: v-a.se/english-portal