Khatarta in si xun loogu jirado ayaa ka sii daran waxyeelada tallaalka.

 

Khalad wax u fahmid: Khatarta waxyeellooyinka tallaalka ayaa ka weyn halista inuu cudurku kugu dhaco.

 

Xogta: Khatarta waxyeellooyinka halista ah ayaa qaar aad u hooseeya ah marka la barbar dhigo khatarta caafimaad ee cudurka covid-19 leeyahay. Sida daawooyinka kale oo dhan ayaa waxa jirta khatar waxyeelooyinka ah uu tixaa tallaalka covid-19 leeyahay.

 

Tallaal ahaan ayaa waxyeelooyinkaasi badanaa yihiin qaar fudud oo dhowr maalmood ka dib baaba’a. Waxa caadiga ahi waa: xanuun gacanta meesha cirbada lagaaga muday ah, daal, madax xanuun ama qandho/xummad. Ka hor intaan tallaal la isticmaalin ayaa si taxadir leh loogu tijaabiyay tiro badan oo mutadawiciin ah. Dhamaan waxyeellooyinka ayaa la diiwaangelinayaa inta tijaabada lagu jiro iyo marka tallaalka la ansixiyay dadweynaha si baahsan loogu isticmaalaayo.

 

Waxa Iswiidhan warbixinta waxyeelooyinka loo soo gudbinayaa waa Hay’ada dawooyinka (Läkemedelsverket). Haddii waxyeellooyin xun oo dawada kuwaas oo keeni kara in khatarta daawadu ka weyn tahay faa’iidada, ayaa isla markaaba isticmaalka la joojin karaa.

 

 

SIDAN AYAAD ULA DOODI KARTAA QOF KHURAAFAADKA RUMEYSAN

– Ma rabo inaan is tallaalo maxaa yeelay waxaan ka cabsi qabaa dhamaan waxyeellooyinka.

– Khatarta inaad yeelato waxyeellooyin xunxun oo tallaalka ayaa aad uga yar marka la garab dhigo khatarta haddii uu cudurku kugu dhaco.

 

 

Waxaa jira warar ku tidhi kuteen ah oo lagu sheegaayo inay khatar tahay in la is talaalo, laakiin taasi run ma aha.

– Sidee ayaad taas ku ogtahay?

– Waxay tahay in dhammaan tallaalada in si fiican loogu tijaabiyaa tiro badan oo mutadawiciin ah ka hor intaan la bilaabin in la isticmaalo. Xitaa marka tallaalka la bilaabo in la isticmaalo ayaa dhammaan waxyeellooyinka la soo wargelinayaa hay’adaha dawooyinka ee dalalka tallaalka laga isticmaalo.

 

 

Maanta ayaa in ka badan hal bilyan oo qof ay iska tallaaleen covid-19 iyadoo khatarta in la yeesho jiro xun ay weyn tahay marka la barbar dhigo halista ku jirta qaadashada covid-19.

 

GUJI KHURAAFAADKA DHEERAADKA EE TALLAALKA SI AAD TALO SIDAAD UGU WAJAHEYSO AH UGU HESHO