MACLUUMAAD DHEERAAD AH:

Sidan ayuu tallaalku u shaqeeyaa – 1177.se

 

Tallaalku infegshanka ma faafin karo

 

Khalad wax u fahmid: Tallaalka ku jira fayrusyo nool, oo jirada faafin kara.

 

Xogta: Tallaalada midkoodna kuma jira fayrus nool oo covid-19 faafin kara. Tallaalka waxa ku jira maado aan khatar aheyn oo guudka fayruska ku taala. Taasi waxay habdhiska difaaca jirka ka caawisaa inuu aqoonsado oo uu la dagaallamo fayruska aynu infegshanka ka qaadi laheyn.

 

SIDAN AYAAD ULA DOODI KARTAA QOF KHURAAFAADKA RUMEYSAN

– Ma rabo inaan is tallaalo maxaa yeelay waxaan ka cabsi qabaa inaan tallaalka covid-19 ka qaado.

– Waxa uu tallaalku kaa difaacaa inaad covid-19 qaado. Waxa jira khuraafaad ku saabsan inaad jirada ka qaadi karto tallaalka laakiin taasi run ma aha.

– Sideed ayaad taas ku ogtahay?

– Waxa loo baahan yahay fayrus nool si aad infegshanka ugu qaado. Tallaalka waxa ku jira uun maado aan khatar aheyn oo fayruska guudiisa ku taala. Waana sababta keentay si khaldan wax u fahamkan.

 

Tallaalku waxa uu keena in habdhiska difaaca jirkaagu uu barto fayruska dhabta ah, markaas ayaa jirku uu ku difaaci karaa intaadan jiran ka hor.

 

Sidaas darteed ayaanay suurtogal aheyn in tallaalka covid-19 laga qaado. Waxa uu kaliya kaa ilaalinayaa cudurka.

 

GUJI KHURAAFAADKA DHEERAADKA EE TALLAALKA SI AAD TALO SIDAAD UGU WAJAHEYSO AH UGU HESHO