MACLUUMAAD DHEERAAD AH:
Oo fayruska iyo cudurka ku saabsan – Folkhälsomyndigheten

 

Waxa uu tallaalku difaacayaa naftaada iyo ta dadka kaleba

 

Khalad wax u fahmid: Wax khatar ah ma aha inaad covid-19 qaado haddii aan kooxaha khatarta ugu jira aan laga mid aheyn.

 

Xogta: Waxa dadka oo dhan ku dhici kara calaamado xunxun laakiin xitaa haddii ay taasi caadi u tahay kooxaha dadka khatarta ku jira. Xitaa haddii laga badbaado inay jiradu kugu xumaato ayuu covid-19 noqon karaa wax aad u adag in la maro. Waxa ay sidoo kale jiradu keeni karaa dhibaatooyin muddo dheer waara (sida xaalad jir ahaaneed oo hoos u dhacda ama urta iyo dhadhanka oo luma) taas oo keenta tayada nolosha oo liidata. Dadka cudurka qaaday ee iyagu laftoodu calaamado khafiif ah leh ayaa sidoo kale dadka uu ku xumaanaayo qaadsiin kara.

SIDAN AYAAD ULA DOODI KARTAA QOF KHURAAFAADKA RUMEYSAN

– Anigu uma baahni inaan is tallaalo maxaa yeelay anigu dee xoog uguma xanuunsan doono.

– Jiradu waxay noqon kartaa mid xun iyadoo kiisaska ugu xun ay naftu khatar gali karto.

 

 

Waxa jira aragti ah in dhammaan dadka dhallinyarta ah ee caafimaadka qabaa ay mar walba kaliya hargab khafiid ah uun yeeshaan laakiin taasi sax ma aha.

– Laakiin X waxa ku covid-19 oo umanuu arkeynin inay haba yaraatee wax adag tahay?

– Waxa jira tusaale dad da’ kasta leh oo jiro fudud yeesha, laakiin taasi micnaheedu ma aha inuu qof walba uu kaas yeesho.

 

 

Jiradu waxa ay noqon kartaa mid dhib badan oo dhibaatooyin muddo dheer jooga keena, xitaa marka aanu ahayn mid nafta khatar gelinaaya.

 

 

Haddii aad is tallaasho ayay markaa yaraan kartaa khatarta aad jirada ku qaadsiin karto dadka kugu dhowdhow ee aad jeceshahay, taas oo laga yaabo inuu covid-19 xun ku dhaco.

GUJI KHURAAFAADKA DHEERAADKA EE TALLAALKA SI AAD TALO SIDAAD UGU WAJAHEYSO AH UGU HESHO