MACLUUMAAD DHEERAAD AH:

Sidan ayuu tallaalku u shaqeeyaa – 1177.se

 

Difaacu waxa uu u sameysmaa si la mid ah sida tallaalka iyo sida jirrada oo kale

 

Khalad wax u fahmid: Tallaalladu waxa uu bixinayaa difaac “aan dabiici ahayn” oo ka liita difaaca laga helaayo marka uu cudurku kugu dhaco ka dib. 

 

Xogta: Fal celinta jirka ka sameeyo tallaalka iyo ta uu ka sameeyo jirada ayaa isla si u shaqeeya: Habdhiska difaac jirku waxa uu bartaa inuu ogaado/garto qeybo ka mid ah fayruska isagoo soo saara difaac uu ka mid yihiin unugyada difaaca jirka kuwaas oo dhaqso uga falceliya marka xigta ee ay la kulmaan fayruska. Khatarta aad ugu yeelanayso cawaaqib xun ayaa sidaas darteed aad uga weyn jirada marka la garab dhiqo haddii la is tallaalo.

SIDAN AYAAD ULA DOODI KARTAA QOF KHURAAFAADKA RUMEYSAN

– Ma rabo inaan is tallaalo maxaa yeelay waxaan u arkaa inay ka wanaagsan tahay in difaac dabiic ah la sameysto. Waxay ka wanaagsan tahay inaad isku muddo/durto wax shaybaar lagu abuuray!

– Difaaca jirka ku sameysma waxa uu u shaqeeyaa si isku mid ah marka tallaalka la qaato iyo marka cudurka la qaboba.

 

 

Waxay jira khuraafaad in difaaca tallaalku uu ka duwan yahay laakiin taasi sax ma aha.

– Sidee ayuu dee markaa u shaqeeyaa?

– Habdhiska difaaceena jirku waxa uu markasta ka falceliyaa marka wax qalaad, sida tusaale ahaan fayrus, uu jirka soo gallo. Habdhiska difaaceena waxa uu dhisaa unugyo difaac oo gaar ah oo garta isla markaana si dhaqso leh uga falceliya marka xigta ee uu fayruska la kulmaan. Waxa u dhaxeeyaa kaliya waa inaan tallaalku kaa dhigeynin mid jiran.

 

 

Waxa uu habdhiska difaaca jirku u shaqeeyaa si isla mid ah iyadoo aan loo eegin haddii aad qaadatid tallaal ama ay jiradu kugu dhacday.

GUJI KHURAAFAADKA DHEERAADKA EE TALLAALKA SI AAD TALO SIDAAD UGU WAJAHEYSO AH UGU HESHO