MACLUUMAAD DHEERAAD AH:

Ku saabsan – Läkemedelsverket.se 

Tallaalku waxa uu kaa illaaliyaa jirada

 

Khalad wax u fahmid: In tallaalku uu bixiyo difaac boqolkiiba boqol ah oo jirada kaa ilaaliya si uu mid waxtar leh ugu noqdo.

 

Xogta: Ma jiro tallaal bixiya difaac 100% ah. Saamaynta difaaca ee ay tallaallada loo ansixiyey covid-19 leeyihiin inay bixiyaan ka hortag cudur xun oo kugu dhaca ayaa uu u dhexeysa 70 iyo 95 boqolkiiba ka dib marka labada doos la qaato. Qofka jirada inkastoo uu is tallaalay ayaa badiyaa heesha inaanay jiradu ku xumaanin. Marka la barbardhigo ayaa tallaalka hargab xilliyeedku uu leeyahay saamayn difaaca oo qiyaas ahaan boqolkiiba 60 ah.

SIDAN AYAAD ULA DOODI KARTAA QOF KHURAAFAADKA RUMEYSAN

– Ma rabo inaan is tallaalo maxaa yeelay koleyba waa loo jiran karaa.

– Waxa uu tallaalku dhimayaa khatarta in marka horeba loo jirado iyo inaan si xun loogu jirado hadday sidaas dhacdo.

 

 

Dadka qaarkood waxay u jeedaan inaanay wax micno ah sameyneynin haddii la is tallaalo, laakiin taasi run ma aha.

– Laakiin ma rabo inaan jirado.

– Khatarta in loo jirado ayaa aad ugu sii badan dadka aan la tallaalin iyadoo dadka is tallaalay oo dhami ay ka qeybqaadanayaan joojinta faafitaanka fayruska. Waxaad dadka kuu dhowdhow ee aad jeceshahay ka ilaalisaa inay jiradaan.

 

 

GUJI KHURAAFAADKA DHEERAADKA EE TALLAALKA SI AAD TALO SIDAAD UGU WAJAHEYSO AH UGU HESHO