MACLUUMAAD DHEERAAD AH:

Sidan ayaa loo ansixiyaa tallaal – Hay’ada Caafimaadka Bulshada

 

Waxa uu tallaalku soo maray dhammaan baaritaannadii lagama maarmaanka ah

 

Khalad wax u fahmid: Maadaama oo uu soo saarista tallaalku badanaa qaato sanado badan, ayaan tallaalka covid-19 uusan helin waqti uu ku soo maro isla baaritaanadaas ammaanka ah.

 

Xogta: Waxa jira saddex sababood oo waaweyn oo keenay in tallaalka covid-19 si dhaqso ah loogu soo saaro.

 

Waa ta koowaade waxay cilmibaarayaashu muddo yar oo gaaban ku heleen kheyraad/hanti iyo lacag aad u badan.

 

Ta labaad labaad, waxa jira rabitaan aad u weyn oo muwaadiniinta inay tabarucaad isku soo taagaan. (Caadi ahaan wakhti badan ayay qaadataa in la soo qoro mutadawiciin inataas oo badan ah oo loogu baahan yahay si tallaalka loo ansixiyo.)

 

Waa ta saddexaade waxa jiray cilmibaaris badan oo laga sii anbaqaadi karo, tusaale ahaan waxyaabaha ku saabsan fayraska SARS, kaas oo sidoo kale ka tirsan qoyska fayruska Korona.

 

SIDAN AYAAD ULA DOODI KARTAA QOF KHURAAFAADKA RUMEYSAN

– Ma rabo inaan is tallaalo maxaa yeelay tallaalka dhakhso ayay u soo saareen.

– Tallaalka covid-19 waxa uu soo maray isla noocyada tijaabooyin ammaanka ah ee la mid ah kuwa ay tahay in dhammaan tallaalada la soo mariyo.

 

 

Waxa jira khalad wax u fahmid ku saabsan in tijaabooyinka qaar laga booday si tallaalka dhakhso loogu soo saaro, laakiin taasi sax ma aha.

– Sidee ayay dee markaa degdeg ugu dhici kartaa?

– Qeyb ahaan waxa weeye iyadoo ay dunidu gelisay lacag aad u badan iyo kheyraad/hanti si tallaalka loogu soo saaro.

 

 

Sabab kale waxay ahayd in mutadawiciin ay safka ugu jireen inay ka caawiyaan in tallaalka la tijaabiyo. (Ka hor intaan tallaalka la ansixin waxa loo baahan yahay in dad badan oo mutadawiciin ah lagu tijaabiyo waxayna caadi ahaan qaadataa wakhti dheer in la helo tiro sidaas u badan.)

 

Waxa intaas dheer inay cilmibaaris badan jirtay oo fayrusyo la mid ah laga sameeyey kuwaas oo cilmibaarayaasha iyo shirkaduhu ay halkaa ka sii wadi karaayeen.

 

 

Hadda ayaa qeyb weyn oo dadka dunida ahi ay is tallaashay iyadoo uu tallaalku yahay mid sugan oo waxtar leh.

GUJI KHURAAFAADKA DHEERAADKA EE TALLAALKA SI AAD TALO SIDAAD UGU WAJAHEYSO AH UGU HESHO